Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaya shalay soo martay fursad naadir ah oo uu ku noqday saacado ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya.
C/weli Ibraahim Muudey ayaa muddo ku dhow 5 saacadood u xuubsiibtay ku-simaha madaxweynaha, kadib markii uu dalka ka dhoofay barqanimadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) isagoo uu dalka ka maqnaa Madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho ku joogay dalka Sacuudiga.

Tan iyo intii ay dowladda Farmaajo xilka qabatay ayay ahayd markii ugu horeysay ee mar qura ay dalka safar uga maqnaadaan, Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha.
Lama soo werin tallaabooyin uu qaaday Mudane C/weli Muudey, taasoo ay ugu wacan tahay saacadaha kooban uu xilka madaxweynaha uu martida u noqday, waxaana hore xilligii dowladii C/llaahi Yuusuf ka faa’iideystay guddoomiye ku xigeenkii Maxamed Cumar Dalxa oo dalacsiin iyo magacaabid taariikhda gashay soo saaray maalmo kooban oo uu kusime ka noqday dowladii fadhigeedu ahaa magaalada Baydhaba.