Sunday, July 13, 2025

Daacish oo faafisay Sawiradda toogashadii maanta lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Taraafikadda [Sawirro]

Kooxda Daacish ee khilaafada islaamiga ayaa sheegtay dilkii maanta ka dhacay Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee lagu dilay askari ka tiran ciidamada Taraafikada ee magaalada Muqdisho.

Wakaalada Wararka Daacish ee loo yaqaan ACMAAQ ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska ay dileen, isla markaana ay dhaawacmeen askari kale weerar ka dhacay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Daacish ayaa faafisay muuqaalka qaabkii loo dlay sarkaalka, iyadoo uu sawirka ka muuqdo qof tooganaya askari taraafiko ah oo ku mashquulsan Gaari yar oo mooca raaxada ah. Daacish oo dilalkeeda Muqdisho ay sii kordahyaan ayaa uga duwan Alshabaab inay muuqaal aan u sawirto falalka khaarijinta ah ee ay sameyso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON