Wararkii ugu danbeeyay ee duufaanta ku dhufatay xeebaha Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya inay sababeen barakac ka socda degaanada xeebeedyada Gobolka.
Degaanka Baargaal ayaa ka mida goobaha dadku ka barakaceen kadib cabsi ka dhalatay duufaanta iyo roobabka wada socda. Roobab kooban ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayn xeebaha iyadoo laga cabsi qabo inay sii kordhaan.
Dhinac kale khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa kad hashay Daadad la tegay Gaadiid ay sarnaayeen Gobolka Bar, iyadoo la soo weriyeyin Wadada u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho uu Daad ku qaaday Gaari ay lix qof saarnaayeen, dadkaasi waxaa nolol lagu helay afar ka mida iyadoo labadii kale iyo gaarigii la waayay.
Waxaa sidoo kale lasoo weriyey in Gaari kale oo Daad ku qaaday goobta loo yaqaan Meermeerka uu shil galay, iyadoo uu ku dhintay Ganacsade lagu magaacabi jiray Abshir Jaamac Faarax.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Bari inay Amar ku bixiyeen in la hakiyo isu socodka Gaadiidka iyo dadka Gobolka Bari inta ay socdaan roobabka iyo Daadadka .