Tuesday, June 24, 2025

Daalibaan oo Bil Gudaheed ku qabsan karta magaalada Kaabul iyo dadkii Mareykanka oo laga daadgureynayo

Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ayaa la wareegay lix Gobol oo ka mida Dalka Afghanistan, iyadoo ay sii socdaan xowliga ay ay kula wareegeyso Gobolladii ay gacanta ku heysay dowladda dalkaasi.

Daalibaan ayaa hadda xukunta 16 gobol oo ka mida dalka Afghanistan, kadib markii ay ka baxeen ciidamadii Mareykanka iyo dalalka NATO ayaa dalkasi waxaa ka dhacay lama filaan ah in ciidamadii faraha badnaa ee dowladda Afghanistan ay iska difaaci waayeen xoogagga Daalibaan, iyagoo qaarkood firxaday, qaarkii kalena ay is dhiibeen oo hubkii ku wareejiyeen.

Daalibaan ayaa saacidihi ugu danbeeyay qabsatay magaalada muhiimka ah ee Lashkar Gah oo ku taal koonfurta Afghanistan, maalin kadib markii ay kooxdu sheegatay inay gacanta ku hayso Kandahar iyo Herat, oo ah magaalooyinka labaad iyo saddexaad ee ugu weyn dalkaasi.

Mareykanka oo dhowaan ciidamadiisa kala baxay Afghanistan ayaa sheegaya inay caasimadda Kaabul ee dalka Afghanistan ay Daalibaan qabsan karaan muddo bil gudaheed ah, halka markii hore ay sirdoonka CIA saadaalisay in muddo lix bilood ay ku go’doomin karaan caasimadda Kabuul.

Waxaa cabsi laga qabaa in dowladda ay reer Galbeedka taagerayeen ay dalka Afghanistan ay dunto muddo kooban, waxaana hadda wadahadal u socdaa Mareykanka iyo Daalibaan si loo nabadgeliyo diblomaasiyiinta safaaradda Mareykanka ee Kaabul oo guud ahaan gaaraya 3000 qof.

Hubanti la’aan Mareykanka kasoo wajahday Daalibaan ayaa keenay inuu isu diyaarinayo howlgal weyn oo ilaa 3000 ciidan ka qeyb qaadanayaan si loo daadgureeyo shaqaalaha Safaaradda uu ku leeyahay dalka Afghanistan, waxaana qorshaha ku jirta inuu xarunta safaaradda usoo raro garoonka magaalada Kaabul, si haddii ay xaalad degdeg ah timaado loo daabuli karo.


Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa la hadlaya Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani “si ay ugu adkeeyaan in Mareykanku uu weli sii taagerayo amniga iyo xasilloonida Afghanistan, si looga hortago rabshadaha Daaliban.

Wasiirka Gaashaandhigga BritainBen Wallace ayaa dhinaciisa sheegay inuu dalkiisa ogaaday sanadkii 1830 in Afghanista ay tahay dal ay hoggaaminayaan dagaal -oogayaal, una kala qeybsan gobollo iyo qabiilooyin kala duwan, dalkaasina ku dambeyn doono dagaal sokeeye, wuxuna yiri: “Waxaan u malaynayaa inaan ku wajahannahay dagaal sokeeye”.

Qiimayntii ugu dambeysay ee Sirdoonka milatariga Mareykanka ayaa soo jeedisay in magaalada Kabul ay dagaal kusoo gaari Daalibaan muddo 30 maalmood gudahood ah, haddii isbeddellada hadda jira ay socdaan, ayna gacanta ku dhigi karto dalkaasi oo dhan dhowr bilood gudahood.

Weerarkan ayaa ka dhigan burbur aad u layaab leh oo soo gaaray ciidamada Afghanistan kadib markii Mareykanku ku dhawaad labaatan sano ku sugnaa dalkasi, kuna bixiyey dhismaha ciidamada Afghanistan lacag dhan 830 bilyan oo doolar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON