Thursday, April 25, 2024

James Swan oo Golaha Amniga u sheegay Qodob uu ka welwelsan yahay & Arrin ku saabsan RW Rooble

Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta warbixin ka siiyay Golaha Ammaanka xaaladda Soomaaliya, kadib fadhi gaara oo ay ka yeesheen Arrimaha Soomaaliya.

James Swan ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii ugu dambeysay ee uu golahan la hadlo oo aheyd maalmo ka hor 27-kii bihsii May, xilligaas oo ay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Federaalka ah ay kala saxiixdeen heshiiskii hirgelinta doorashada.

Ra’isul Wasaare Rooble ayuu sheegay inuu muujiyay kaalin hogaamiyenimo, isagoo kullamo wadatashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada.

Ad

Wuxuu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada. Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga welwelsan yahay.

Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda. James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal.”

Al-Shabaab ayaa weli halis ku ah amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM wuxuu diwaan geliyay sanadkan 202-1ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya iyadoo 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay” ayaa ka mid ahaa warbixinta Ergeyga Q/Midoobay ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON