Afhayeenka Maamulka Galmudug Cabdullaahi Xaashi Faarax (Roob da’ay) ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii ay ula dhaqmeen ciidamada NISA markii ay maanta ka afduubteen agagaarka Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa si murugo leh uga hadlay in meel aanu garaneyn la geeyay, indhaha laga xiray, jid dilna loo geystay kadibna markii Guri mugdi ah la geeyay lagu qabtay qoryo oo dharka laga dhigay, iyadoo sawirro laga qaaday, loona sheegay haddii uu markale wax ka sheego madaxweynaha sawirradiisa lagu faafinayo baraha bulshada.
HOOS KA DAAWO