Monday, June 23, 2025

DAAWO: Dadka Faransiiska oo ka carooday hadal ka soo yeeray Madaxweyne Trump & Jawaab kulul oo…

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka caraysiiyay dadka Faransiiska kadib markii uu si jeesjees ah u jilay qaabkii rag hubeysan u laayeen  130 qof , weerar argagixiso ka dhacay magaalada Paris November 2015.

Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha ururka Qorileyda Mareykanka si jeesjees ah u metelay sidii  xarun magaalada Paris ku taalla loogu toogtay dadkii ku sugnaa markii ay weerar ku qaadeen koox argagixiso ah oo 130 qof ay ku dileen.

Dadka aragtidooda ka dhiibtay hadalka Trump waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Faransiiska Francois Hollande oo Trump ku tilmaamay nin ‘sariig beelay’. wuxuuna wax laga yaxyaxo oo ceeb ah ku sheegay in Trump uu ku xadgudbo dadkii lagu laayey weeraradii argagixiso ee Faransiiska.

Ad

Wasaaradda arrimaha dibeda Faransiiska ayaa ku baaqday in la xurmeeyo dadkii la laayay.  Trump ayaa hadal ka jeedinayay ururka Qorileyda Qaran ee Maraykanka, wuxuuna sheegay in haddii dadka Faransiiska ay hubka heysan lahaayeen inaysan suurtogal ahaateen in dadka intaas la’eg la laayo.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo dhawaan ka laabtay safar uu Maraykanka ku tagay ayaanan si dhaqso leh uga jawaabin hadalka Trump oo ay saaxiibo dhow yihiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON