Sawirro dheeraad ah oo laga helay qarixii maanta ka dhacay fagaare uu dad kula hadlay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa muujinaya inuu qaraxu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka badbaaday saaka Qarax ka dhacay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Adis ababa, halkasoo uu kumanaan qof kula hadlay, waxaana la sheegay in qaruxu dhacay isla markii uu khudbadda dhammeeyay.
Waxaa goobta ka muuqda dad yaalla, iyadoo saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in dhowr qof ku dhaawacmeen qaraxa, halka saraakiisha booliska sheegeen inuu ahaa mid yar oo kaliya dhaliyey dhaawacyo fudud.
Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa daqiiqado ka dib qaraxa la hadlay dadka Itoobiya isagoo telefishnaka dalkaasi ka sheegay inay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay isagoo sheegay inay ahaayeen shahiid.
Saddex qof ayaa la sheegay in loo qabtay qaraxa ka dhacay fagaaraha Meskel ee Adis ababa,
WARARKA KU SAABSAN QARAXA ADIS ABABA
SAWIRRO: Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ka badbaaday Qarax ka dhacay fagaare ku yaalla Adis Ababa
DEGDEG: Qarax ka dhacay Fagaare uu ku sugnaa Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Magaalada Adis ababa