Dowladda Burundi ayaa ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya, kadib markii la bedelay ciidamo u joogay Soomaaliya
oo dalkaasi ka socday oo qeyb ka ahaa ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamada cusub ee ka yimid dalka dhibaateysan ee Burundi ayaa gaaraya 1,891, iyagoo bedelaya isla tiradaas oo kale dib ugu soo diray Soomaaliya.
Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM waxay ka tirsanayeen guutooyinka 32-aad iyo 33-aad ee Ciidamada AMISOM. Taliyaha guutada 32-aad ee Ciidamada Amisom, Major John Manirakiza, ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Ciidanka Qaranka Somaliya.
Taliyaha guutada 33-aad ee Ciidamada Amisom, Major Richard Nikoyagize, ayaa isna sheegay in ciidamadoodu ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ciidanka Dowladda Somaliya.
Uganda ayaa dhowaan ciidamo cusub oo bedela kuwii hore uga joogay Soomaaliya u soo dirtay magaalada Muqdisho.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com