Qaar ka mida dhaawacyadii ugu liitay dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii weynaa ee magaalada Muqdisho ayaa saaka laga dhoofiyay Garoonka Aadan Cadde.
Dhaawacyadan ayaa lagu qaaday diyaarad milateri oo u gaara arrimaha caafimaadka oo madaxweynaha Turkiga u soo diray Soomaaliya, waxaana garoonka kusugnaa madax uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaaraha Xasan Cali Kheyre, ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuled, wasiiro iyo madax kale.
Dhaawacyada la qaaday ayaa gaaraya ilaa 40 qof sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waxaana laga soo xulay dhaawacyada yaalla Isbitaalada Muqdisho, kuwooda ugu liita ee xaaladooda ay halista ahayd.
Turkiga ayaa diyaarado caafimaad iyo dhaqaatiir u soo diray Soomaaliya kadib weerarkii qasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Muqdisho 14-kii bishan Oktobar 2017.
SAWIRRO