Haweeneyda Soomaaliya ka soo jeeda ee loo doortay Aqalka Senetka Gobolka Minnesota ayaa loo dhaariyay xilka.
Ilhaan ayaa ka dhex muuqata senatooro loo dhaarinayay xilka oo si guud dhaar u maray, kadibna kitaabka Qur’aanka si gaar ah iyada loogu dhaariyay, waxaana xiiso lahayd in Ilhaan ay soo xiratay dharka iyo hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.
Soomaalida gobolka Minneasota, Muslimiinta iyo Dadka laga tirada badan yahayba ayaa u dabaaldegay, kadib markii Ilhaan Cumar oo ku guuleysatey xildhibaannimada gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka xilkaas loo dhaariyey.
Xaflada dhaarta ah ayaa ka dhacdey Aqalka Senate ee gobolkaasi ayaa waxaa looga soo qaybgaley si balaaran.
DAAWO SAWIRRADA