Wednesday, June 25, 2025

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo booqday Ciidamada ku jira Xeradii lagala wareegay Imaaraadka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Janaraal Gordon ayaa sheegay in dowladdu ay dejisay qorsheyaal muhiim u ah dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Isagoo hadal u jeediyey Guutada 14-ka Oktoobar ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayuu ku bogaadiyey Saraakiisha Soomaaliyeed ee u istaagay in ay soo saaraan geesiyaal dhallinyaro ah oo ay ka go’antahay xoreeynta dalka iyo in ay shacabka Soomaaliyed ka dul qaadaan dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirri geliyey ciidankan oo u diyaar garoobaya hawlgallada dhawaan bilaabanaya sida ay u ajiibeen baaqiisii ku saabsanaa difaaca dalka; “Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka. Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Guutada 14ka Oktoobar, kaydka saanadda iyo saheyda ciidanka, rugta caafimaadka ee dugsiga Janaraal Gordon iyo goobaha ay ku tababartaan ciidanku.

Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Image may contain: 8 peopleImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: one or more people, grass, tree, outdoor and natureImage may contain: one or more people, grass, tree, outdoor and natureImage may contain: one or more people, sky, beach, ocean, outdoor and natureImage may contain: 4 people

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON