Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Miino kuwa dhulka la geliyo ah ay la qaraxday qof ku aasayay magaalada Beledweyne.
Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ninkaasi uu doonaayay inuu miino ku aaso wadada isku xirta Magaalada Baledweyne gudaheeda iyo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif. Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, ayaa sheegay ninkaan inuu doonaayay miinada inuu ku dhibaateeyo bulshada ku nool Magaalada Baledweyne, balse isagii ay kula qaraxday.
Waxaana uu sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan cid kaste oo iskudayda in ay dhibaateyso Shacabka degaanada Hiiraan.