Sunday, July 13, 2025

NISA oo sheegatay inay leedahay Diyaarad ku soo dhacday Muqdisho [DAAWO SAWIRRO]

Diyaarad nooc wax basaasa ah oo aan hore loo arag nooceeda ayaa galabnimadii maanta  kusoo dhacday  xaafadda 1-da Maajo ee Degmada Waaberi ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo lahaanshaha diyaaraduna warar kala duwan kasoo baxeen.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, Xuseen Maxamed Cabdi iyo ciidan uu horkacaayay oo gaaray halkii ay ku soo dhacday diyaarada ayaa muddo raadinayay iyadoo la sheegay inuu xareysan nin ka ag dhowaa goobta ay ku soo dhacday oo markii danbe laga soo qaaday.

Diyaaradan oo qaab Shimbir weyn u sameysan waxaa sheegtay inay leeyihiin ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA, waxaana saldhiga Waaberi ka qaatay horjooge ka tirsan NISA oo sida uu sheegay taliyaha saldhigga caddeeyay inay iyagu adeegsadaan diyaarada.

Waa markii ugu horeysay ee NISA ay sheegato inay adeegsato diyaaradaha Drones-ka.

DAAWO SAWIRRO

Drone-NISA

DRONE-NISA2

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON