Tuesday, July 1, 2025

DAAWO SAWIRRO: Puntland oo soo dhoweyn la yaab Boosaaso ugu sameysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Axmed Cali Xaashi ayaa galabta 07-Jan-2016 waxay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha  ee Boosaaso kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafti Ballaadhan oo uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga Mahadceliyey Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya safarka uu ku yimi magaalada Boosaaso  ee xarunta gobolka Bari isagoona intaasi raaciyey in socdaalka Madaxweynuhu ku qotomo kaqaybgalka furitaanka Garoonka Caalamiga ah ee Boosaaso kaas oo maalinta berrito ah xadhigga laga jari doono.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka ahi uu Boosaaso sii joogi doono dhowr maalmood oo dambe isla markaasna uu kaqayb geli doono xafladda Sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtey xilligii uu talada Puntlad lawareegey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumaddiisu.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahaceliyey Madaxweynaha Dawladda Puntland, Golayaasha Dawladdiisa iyo Shacabka Puntand ee sida  weyn ugu soo dhoweeyey  magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaatinkisa magaalada Boosaaso isagoona xusay in uu sii joogi doono muddo dhowr maalmood ah, waxa uu sidoo kale xusay Puntland inay ay marayso xilligii horumarka taasina ay tahay mid soomaali oo dhan guul u ah.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAND.

 

IMG_5182IMG_5186IMG_5188
IMG_5207IMG_5200
IMG_5221
IMG_5236
IMG_5245

IMG_5284IMG_5288
IMG_5332IMG_5299IMG_5379IMG_5383IMG_5386IMG_5388IMG_5391
IMG_5419IMG_5428IMG_5430
IMG_5450IMG_5439IMG_5455IMG_5463IMG_5473IMG_5483
IMG_5497IMG_5494
IMG_5505IMG_5503

IMG_5595

IMG_5641

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON