Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo bilaabay inuu bulshada soo dhex galo ayaa galabta la casiryeysatay qaar ka mida shacabka Muqdisho.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa tegay maqaayadaha Shaaha waxaana uu dhex galay dadweyne kala duwan oo goob maqaayad ah ku shaahayay isagoo dhageystay dadkii halkaasi ku sugnaa oo wada-sheekeysi uu dhex maray.
“Waxan shacabkeyga u shegaya inaan la wadaagi doono wax walba oo nala soo gudbonada intaan ku jirno halganka lagu so celinayo sharaftii Soomaaliya..” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Kheyre oo farriin so dhigay baraha bulshada.