Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay saraakiisha cusub ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku soo biiray.
Saraakiishan oo tababar u soo dhammaaday loona dalacsiiyay xiddigle iyo laba xiddiglayaal ayaa lagu qiimeeyay shahoodooyinka oo kala ah Heer Jaamacadeed iyo Dugsi sare, waxaana ay ahaayeen dhalinyarradii ugu horeysay ee isu qorta Booliska dalka.
Musaasabadda dhaarta ayaa ka dhacday xarunta akademiyada Boliiska, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow, wasiir ku xigeenka Gaadiidka Badda iyo Dekadaha Cismaan Daallo, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamud Xayir, taliyaha Booliska iyo saraakiil kale.
SAWIRRO