Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku soo dhoweeyay madax ka tirsan dalkaasi.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka Nairobi ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, xoghayaha golaha Wasiirada Joe Mucheru iyo madax ka tirsan dalka Kenya, waxaana booqashada ay qaadan doonta maalin qura ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.
Ujeedka socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku saabsan wadahadal madaxda labada dal ka yeelan doonaan xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha iskaashiga Amniga, Ganacsiga iyo xiriirka diblomaasi, iyadoo Kenya lagu tilmaamay saaxiib la isku halleyn karo oo isbaheysi la leh dowladda Soomaaliya.