Monday, July 21, 2025

DAAWO: Tababar loo furay ciidamada Xoogga dalka ee ilaaliya Madaxtooyada Soomaaliya

Ciidamada Xooga ee Ilaalada Madaxtooyada ayaa maanta loo furay Tababar Ciidan, iyadoo ay ka qeyb galayaan ururka 60-aad ee ciidamada xoogga dalka.

Ciidamadan oo ka badan Boqol ayaa waxaa tababarka u furay Wasiirka Gaashaandhiga dowlada fedaraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana la sheegay in tababarka aya qaadaneyso Dufcadii 4-aad ee ururka 6-aaad.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya tababarkooda uu yahay muhiim, maadaama ay tahay xarunta hoyga Madaxda Dowladda Federaalka. Wuxuuna ciidamada ka dalbaday inay ka faaiideystaan.

Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ilaaliya Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxayna helaan tababarro joogto ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON