Taleefishinka caanka ah CNN, fadhigiisuna yahay dalka Mareykanka ayaa soo bandhigay barnaamij maqal iyo muuqaal oo ku sabasna sida lacagaha deeqaha ah ee la siiyo dalka Soomaaliya ay ugu gacan gasho ururka Al-Shabaab.
Baaritaanka telefishinka CNN oo ay gacan ku siiyeen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la kulansiiyay xubno Alshabaab kasoo goostay ayaa lagu sheegay in lacagaha deeqda ah ay bixiyaan dalalka reer Galbeedja ay ku danbeyso gacanta ururka Al-Shabaab.
Warbixintay ayaa lagu diyaariyay magaalada Baydhabo oo lacago badan ay Al-Shabaab ka helaan maalin walba jidgooyo u yaalla halka laga soo galo Baydhabo iyo weliba ganacsatada magaalada kuwaasoo raashin geeya xeryaha dadka barakacayaasha ay ku nool yihiin.
Warbixintan ayaa ujeedka ug u weyni yahay in la joojiyo deeqaha Soomaaliya la siiyo xilligan xaalad ban’ aadmnimo ka jirta dalka, waxayna uga sii dareysaa sawirka laga bixiyo xaaladda Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
https://youtu.be/KBna8v4nbLI