Xaaji u dhashay dalka Ciraaq ayaa ku dhaqaaqay arrin yaab leh, markii uu iska soo tuuray dabaqa sare ee Masjidka Kacbada isagoo isla markiiba dhintay markii uu dhacay dhulka Kacbada ku dhow.
Xaajigan ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xamiid Alxeydari oo 43 sano jir ahaa, waxaana la sheegay inuu koray halka ugu sareysa masjidka Xaramka oo uu dhaafay biro ku xeeran kadibna uu halkaasi iska tuuray, wuxuuna dhaawacay laba qof oo dadkii dhulka ku sugnaa ka mida oo xaaladoodu ay soo hagaageyso markii isbitaal la dhigay.
Wararka ayaa sheegaya inaysan xaaladiisa caadi ahayn markii uu dhowaan geeriyooday wiil uu dhalay, waxaana la socotay hooyadiis oo iyaduna markii uu is dilay gashay xaalad caafimaad darro ah.
Meydka Xaaji Xuseen Xamiid Alxeydari waxaa haya ciidamada Amniga magaalada Maka, iyadoo mas’uuliyiinta xajka ee dalka Ciraaq ay wadahadal kula jiraan sidii loo aasi lahaa, wuxuuna falkan ahaa mid la yaab leh oo ku cusub xaramka iyo xujeyda muslimiinta ah.
Ninkan ayaa la sheegay inuu ku dhawaaqayey ereyo Shiiconimo ah iyo magaca hoggamainaya Shiicada Ciraaq Muqtada Alsadr intii aanu ku dhaqaaqin falka uu isku dilay.