Saturday, April 20, 2024

Dab xoog leh oo ka qabsaday Goobo Ganacsi oo ku yaalla Muqdisho iyo Gurmad socda…

Dab xoog leh ayaa Caawa ka kacay Goobo ganacsi oo ku yaalla magalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Banaadir, dhinaca degmada Hodon.

Qasaare xoog leh oo hantiyeed ayuu dhaliyey dabka oo burburiyey goobo ganacsi oo hanti badan ay taallay, waxaana goobaha dabku waxyeelay ka mida carwooyin, farmashiyeyaal iyo Dukaamo ganacsi.

Dabka ayaa ka kacay Makiinada Saliid oo Koronto ku jirtay ay qaraxday, waxaana uu ku faafay goobo fara badan oo ganacsi, waxaana uu socday muddo ka badan 4 saacadood, waxaana intiisa badan la damiyey 11:00 habeennimo, lakiin wuxuu socday saacado kale.

Ad

Qasaare xoog leh ayuu dhaliyey dabka, waxaana ku bas beelay ganacsiyo fara badan, iyadoo qasaare nafeed aan lasoo werin.

Waxaa socda gurmad xoog leh oo lagu daminayo dabkaasi, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga iyo Gaadiidka Dab-damiska ee Gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadaha gaarka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON