Munaasabad lagu xusayo Sanad guurada Aas aaska Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta ka socota Magaalada Muqdisho.
Munaasabadan 74 sano guurada kasoo wareegtay Aas aaska Ciidamada Booliiska ayaa ka dhacaysa barxadda Xarunta Dugsiga tababarka Booliska ee Generaal kaahiye, waxaana halkaasi gaaray Wasiiro iyo masuuliyiin kale, iyadoo madaxweynaha ka qeyb galaya xafladda.
Ciidamada Booliska ayaa dhoolatus balaaran ku soo bandhigaya Goobta oo ay ku sugan yihiin, mas’uuliyiinta dowladda, waxaana goor dhow gaaraya madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo salaan sharaf ka qaadan doona cutubyada ciidamada Booliska.
Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.