Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la qbatay laba dabley ah oo xalay dil ka geystay magaalada.
Ciidamada Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay gacanta kusoo dhigeen laba nin oo xalay xaafadda Sey-biyaano ee Degmada Hodan ku dilay haweeney ganacsato ahayd.
Ragga la qabtay ayaa ku eedeysan inay dileen Xaliimo Cilmi Yuusuf oo Ganacsato, kana mid ahayd ergadii magalada Cadaado ku doortay xildhibaanada Federaalka, waxaana lagu dhex dilay Carwo ay ku laheyd Xaafadda Seybiyaano.
Waa markii ugu horeysay ee la qabto rag dil khaarijin ah ka geystay magaalada Muqdisho muddooyinkan dambe oo dilalka qorsheysan ay ku soo bateen caasimadda.
Goobjooge.com