Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay toogasho ku dileen Sheekh caan ka ahaa magaalada Baardheere.
Dablkey ku hubeysan bistoolado ayaa xalay weerar ku qaaday Sheekh C/raxmaan Shariif, waxayna ku toogteen meel u dhow masjid ku yaalla xaafadda Buulo Kuulow ee degmada Baardheere, halkaasoo ay baxsadeen markii ay hubsadeen inay Sheekha dileen.
Ragga dilka geystay aoo la sheegay inay laba nin ahaayeen ayay dadka degankaasi sheegeen inay Sheekha ku daba jireen in muddo ah, iyadoo aan lagu guuleysan in la qabto markii ay gaareen ciidamada amniga.
Wararka ayaa sheegaya Sheekh C/raxmaan uu imaam ka ahaa masjidka lagu hor dilay, isla markaana uu ka mid ahaa culimada magaalada sida weyn looga yaqaan.