Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in caawa ay koox hubeysan dil ka geystaan degmada Hodon, gaar ahaan agagagaarka Masjidka Sheekh Cali Suufi.
Dilka ayaa waxaa geystay koox ku hubeysan Bistoolad oo toogasho ku dilay nin la sheegay inuu ka mid ahaa shaqaalaha dowladda xilli uu sii galayey Masjidka oo salaad ku sii jeeday, waxaana dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen in rasaas lagu furay.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta degdeg uga baxsaday, waxaana markaas kadib halkaasi tegay ciidamda amniga oo baaritaan ka bilaabay, iyadoo meydka loo qaaday xarunta denbi baarista CID-da.
Dilalka qorsheysan ayaa joogto ah magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo laga sameeyay sidii loo joojin lahaa.