Dabley hubeysan ayaa caawa maqribkii weerar ku qaaday Oday caan ka ah magaaladda Muqdisho.
Kooxdan oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa Caawa Xaafad katirsan degmada kaxda ee gobolka Banaadir waxay toogasho ku dileen Abwaan Badal oo kamid ahaa Odayaasha dhaqanka degmadaas xilli uu Masaajidka kasoo baxay Salaadii Maqrib.
Dableydii ka danbeysay dilka Abwaan Badal Jaamac Xerso ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dilka abwaanka cambaareeyay mas’uuliyiin, siyaasiyiin iyo dadweyne tacsi u diray.
Muddo kadib waxaa goobta tegay ciidamo Boolis ah oo halkaasi meydka ka qaaday. iyadoo baaritaan uu bilowday.
Abwaan Badal Jaamac Xersi ayaa kamid ahaa odayaasha iyo abwaannada sida weyn uga hadla xaaladda dalka.