Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar ku bilowday Qarax Qof is-miidaamiyey oo caawa lagu qaaday Hotelka Pescatore Sea Food oo ku yaalla Xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.
Weerarka ayaa lagu furay Qarax is-miidaamin ah, kadibna waxa Hotelka gudaha u galay dabley hubeysan, iyadoo xaaladda ay isu bedeshay mid halis ah, waxaana Hotelka xilliga la weeraray ku sugnaa Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Xijaar iyo sarakiil kale.
Taliyaha Booliska ayaa la sheegay in laga soo saaray Hotelka la weeraray. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dableyda weerarka qaaday ay u ghudbeen Hotelka kale ee Ocean View oo kasoo Hotelka markii hore la qarxiyey, iyadoo xilligan ka dhex dagaalamaya.
Goobta la beegsaday ayaa la sheegay inay casho iyo Afur ku lahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka booliska Gen Cabdi Xijaar, waxaana la xaqiijiyey inuu ku dhawacmay taliyaha saldhiga degmada C/Casiis Liibaan Shidane.
Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo qaraxa ka dhashay weerarka oo Alshabaab ay sheegatay.
