Dacwad ka dhan ah Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo ku-xigeenkiisa Cali C/llaahi Xuseeen (Guudlaawe) ayaa loo gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka.
Dacwada oo nooc cusub ah ayaa waxaa qabtay Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Baashe Yuusuf Axmed, waxayna qoray 11 xubnood oo ka mid ahaa Golihii Wasiirada maamulka Hirshabeelle oo dacwadoodu ku saabsan tahay mushaar ka maqan sanad iyo bar ay u shaqeynayeen maamulkaasi, iyadoo markaas kadib xilalkii laga qaaday.
Xubnaha dacwadda gudbiyey waxaa ka mida Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanaha xoolaha Maamulka Hir-Shabeelle Dr. Xuseen Cismaan Cilmi oo sheegay in dacwadaasi ay shalay gaarsiiyen Maxkamada Sare ee dalka, iyadoo loo fariisan doono Maalinta Isniinta ee soo socota.
Taageero dhaqaale oo maamulka Hirshabeelle ka helo dowladda Federaala ayaa la sheegay inay isticmaali jireen madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa maamulka Hirshabeelle, iyadoo aan wax xuquuq ah la siinin wasiiradii maamulkaasi.