Sunday, July 13, 2025

Dad ay Caruur ku jirto oo ku dhintay Qarax qabsaday Gaari ay la socdeen, degaanka Bacaadweyn

Dad shacab ah oo ay caruur ku jirto ayaa ku dhintay qarax gaari ay la socdeen ku qabsatay agagaarka degaanka Bacaadweyn ee koonfurta Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug mudane Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa sheegay in labo qarax oo ka dhacay duleedka degaanka Bacaadweyne ay mid ka mid ah ku dhinteen 8 ruux oo ay ku jirto carruur, halka midka kalana ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo Gaari kale wada saarnaa.

Sideeda qof ayaa ku dhintay qaraxa koowaad ayaa waxaa ka mid ah saddex caruur ah, oo da’dooda la sheegay inay u dhaxeyso 3 illaa 5 sano jiro. Dhinaca kale, gaari ay wateen dhallinayaro ka ganacsata Qaad oo kusii jeeday deegaanka Camaara ayaa lasoo sheegay inuu isna u qarax ku haleelay degaankaasi, waxaana wararku ay shegayaan in saddex qof oo mid ay tahay hawenay ay ku dhawacmeen qaraxaas.

Deeganadan qaraxyadu ka dhaceen ayaa dhawaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana muddoyinkaan ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa miinooyin badan ka saaray waddooyinka, hase ahaatee wali waxay halis ka jirtaa waddooyinka qaar.

Qaraxa 7-dii bishan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidanka dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sii jeeday isla deegaanka Qeycad ee gobolka, halkaasi oo hal askari u uku dhintay, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON