Sunday, July 6, 2025

Dad hor leh oo ku dhintay Garoonka Kaabul iyo Kumanaan Is-xambaar ahaan ugu qamaamay (Sawirro)

Waxaa sii xumaaneysa xaaladda Garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kaabul oo ay ka socdaan daadgureynta Ajaaniibtii dalkaasi ku noolaa iyo Dadka Reer Afghanistan ee lasoo shaqeeyay Mareykanka iyo dalalka NATO.

Waxay soo werisay Wakaaladda wararka ee AP in wasiirka gaashaandhigga Ingiriiska Ben Wallace uu shaaciyey Geerida 7 qof oo rayid, kadib markii ay Albaabyada laga galo garoonka ay ka dhacday isbuurasho.

Muuqaallo aya baahiyeen Saxaafadda Britain ayaa muujiyay maydadka 3 qof oo dhulka yaalla natiijada ka dhalatay isbuurasho ka dhacday gegida dayuuradaha ee Kabul, oo ay hareysay fowdo iyo rasaas intii lagu guda jiray howlgalka aadgureynta.

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in dadkii hor taagnaa Albaabka Garooka lagu tuntay, isagoo xusay in dhakhaatiirta gurmadka degdegga ahi goobta gaareen oo ay ka qaadeen dadka dhaawacmay.

Ciidamada caalamiga ah ayaa u muuqday inay isku dayayeen inay iska celiyaan dadkii rabay inay garoonka soo galaan iyagoo rasaas goos goos ku riday, tiro ka mid ah kuwa doonayay inay sgalaan garoonka ayaa miyir doorsoomay markii la jiiray.

Kumanaan reer Afghanistaan ​​ah ayaa weli ku sugan agagaarka iyo bannaanka Garoonka dayuuradaha magaalada Kaabul, iyagoo sugaya fursad ay ku galaan gudaha o rajaynaya inay dalkaasi ka baxaan.

Dadka intooda badan waxaa la sheegay inay yihiin dadka caadiga ah ee Afghanistan oo doonaya inay dalkaasi isaga baxaan iyagoo aan heysan wax caddeyn ah inay la shaqeeyeen ciidamada NATO iyo dalka uu hoggaaminayey Mareykanka, balse ujeedkoodu yahay loona sheegay inay helayaan fursad dibadda loogu qaado, waxaana furmay suuq dadka loogu sameynayo waraaqo been abuur ah oo loogu sheegay inay la tagaan Garoonka si loo qaado.

Mareykanku ayaa shalay soo saaray digniin amni, isagoo ku boorriyay muwaadiniintiisa ku sugan Afgaanistaan ​​inay ka fogaadaan oo aysan teginn garoonka diyaaradaha ee Kaabul xilligan la joogo, isagoo xusay inay jiraan “khataro ammaan oo dhici kara”.

Mareykanka ayaa wada daadgureynta in ka badan 30,000 oo Mareykan ah iyo dadkii reer Afghanistan ee la shaqeeyay ayaa dadkaasi geynaya Saldhigyada uu ku leeyahay dalalka Kuwait iyo Qatar, wuxuuna u raadinayaa dalal uu sii geeyo, isagoo aan ogoleyn inuu dalkiisa dejiyo.

Hundreds of Afghans desperately trying to flee the Taliban are pictured outside Kabul airport
Afghans trying to flee (pictured: Chaos at Kabul airport yesterday) to Britain to escape the Taliban will have to make their own way to the borders if the Americans do not delay the date for leaving the country, Defence Secretary Ben Wallace declares today
In a powerfully emotive article for The Mail on Sunday, Mr Wallace warns that time is ¿ticking along, impossible to stop¿ towards the imminent end of the UK¿s mission to rescue thousands of Afghans entitled to come to the UK. Pictured: Afghans attempt to get into Kabul airport yesterday
Beneath a fierce late-morning sun, crowds parted to reveal women¿s lifeless bodies and then, rising above the chaotic hubbub, the piercing screams of their children
A baby is handed over to the American army over the perimeter wall of the airport for it to be evacuated, in Kabul
At least four women are thought to have died in what witnesses called a ¿horrendous crush¿. Pictured: Soldiers cover up the bodies of those who died yesterday
While acknowledging that ¿no nation will be able to get everyone out¿, Mr Wallace also announces that a series of ¿processing hubs¿ will be set up in countries neighbouring Afghanistan for refugees who manage to escape. If they can establish their right to come to the UK, they will be flown to Britain. Pictured: British and US troops help Afghans in Kabul
British soldiers desperately shouted for medics and stretchers, as unconscious people were carried away, many being pronounced dead and covered in white sheets

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON