Saturday, May 4, 2024

XOG: Shan Caqabad oo xal uga baahan Shirka Doorashooyinka ee Muqdisho iyo Digniin cusub

Shirka Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka ee Muqdisho ayaa galay maalintii labaad, iyadoo caqabado badan ay horyaallaan Doorashada Dadban ee qeyb ahaan bilaabatay.

Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Doorashada hoggaaminaya iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa wajahay caqabado waaweyn oo Doorashada kusaabsan, waxaana weli la xalin khilaafkii Doorashada ee u dhaxeeyay garabyada siyaasadda Gobollada Waqooyi.

1- Rooble ayaa go’aan hal dhinac ah ka qaatay khilaafkii Guddiga Doorashada Somaliland, isagoo taageeray doorasho Garab ka mida Guddiga uu sameeyay, taasoo ay qaadaceen Garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana weli taagan khilaafkaas oo aan xal loo helin.

Ad

2- Dhinaca kale waxaa weli la dhammeystirin Doorashadii Aqalka Sare oo kaliya laba maamul Goboleed ay dhammeystireen, halka aanay weli ka bilaaban Maamulka Hirshabeelle iyo Gobollada Waqooyi.

3- Waxaa weli la raadinayaa dhaqaalaha Doorashada oo qeyb ka mida oo gaareysa 7.2 Milyan oo Dollar ay ku deeqday beesha Caalamka, waxaana harsan lacag ku dhow 20 Milyan oo Dollar oo qeyb ka mida ka imaan doonto Musharixiinta.

4- Waxaa khilaaf cusub kasoo baxay magaalada Beledweyne oo ka mida magaalooyinka doorashada ka dhaceyso, waxayna arrintan soo nooleysay dood ku saabsan in magaalooyinka Doorashada ka dhaceysa laga dhigo 2 magaalo iyo in kale.

- Advertisement -

5- Sidoo kale waxaa soo shaac baxay khilaaf kala dhaxeeya Guddiga Doorashada heer Federaal iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana laga cabsi qabaa in hoggaanka Guddiga Doorashada uu diido Habraaca Doorashsada Golaha Shacabka ee ay doonayaan inay soo saaraan madaxda Madasha.

Caqabadahan oo dhan oo miiska saaran, waxaa wehliya iyadoo weli aan xal kala dambeys ah laga gaarin ‘Arrinta Gobolka Gedo’ oo qeyb ahaan xalkeeda la galay, balse aan la dhammeytirin.

Waanwaan ay garabyada Siyaasadda Dirta Waqooyi ka dhex wadeen Midowga Musharixiinta ayaa guul laga gaari waayey, kadib markii Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu wax tanaasul ah la imaan waayey.

Rooble ayaa laga dareemay inuu doonayo in laga gudbo kooxda uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, isla markaana la guda galo Doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Waqooyi, taasoo haddii ay dhacdo oo ay ku raacaan madaxda Maamul Goboleedyada sababi doonto dhaawac gaara hannaanka Doorashada oo dhan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON