Monday, June 23, 2025

Dad ku dhintay iska hor imaad magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo iyo ilaalo Goob Ganacsi

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen iska hor imaad ka dhacay jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho. Is- rasaaseynta ayaa timid kadib markii askar ka tirsan ciidamada dowladda ay galeen goob Ganacsi oo ku taalla Isgoyska IVECO, agagaaarka Warashadda Taraqa iyo Sigaarka ee magaalada Muqdisho oo ah Garaash lagu dejiyo Alwaaxda, waxaana  la sheegay inay Garaashka ka dalbadeen lacag baad ah.

Is mari waa dhex maray ilaalada Garaashka iyo ciidamada dowladda ayaa keenay in ilaalada ay halkaasi ku dilaan askari ka mida ciidamadii dowladd ee galay goobtaasi, iyadoo markaas kadib gurmad ciidan uu halkaasi gaaray, waxaana rasaas kale ay haleeshay mid ka mida shaqaalaha goobta oo markii danbe dhaawaca u geeriyooday.

Xaaladda ayaa noqotay mid kacsan waxaana goobtaasi gaaray ciidamo fara badan, iyadoo la xiray in muddo ah, waxaana meyda askariga la geeyay xarunta CID-da iyadoo kiiskan ay baarayaan ciidamada dowladda.

Ad

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON