Iyadoo ay xilli habeennimo ah gashay magaalada Muqdisho ayaa waxaa socda dadaal lagu raadinayo dad lagu waayay qarixii weynaa ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dhismayaaasha burburay ayaa weli laga dhex raadinayaa dad lagu waayay qaraxa iyadoo qaarkood uu dab ka holcayo weli, waxaana Muqdisho ay caawa marti gelineysaa xaalad murugo leh oo ka mida kuwii ugu weynaa ee soo maray taariikhda casriga ah.
Dhalinyaro is-xilqaamay ayaa tegay Isbitaalladda iyagoo dhiiga ugu deeqaya dadka waxyeelada kasoo gaaray qarax oo dhammaan la geeyay isbitaaladda Muqdisho, waxaana duqa magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed uu ku baaqay in dadweyna ay ka qeyb galaan gurmadka.
PHOTOS: Mogadishu residents donating their blood to the victims of today's attack that 20 people left dead. pic.twitter.com/06HtpeC0Hq
— Hussein Mohamed ?? (@HussienM12) October 14, 2017
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxa ka dhacay magaalada ku tilmaamay musiibo. “Waxaan tacsi u dirayaa umadda soomaaliyeed. Waa masiibo waxa dhacay, waxaan ku baaqayaa in si wadajir ah looga qeybqaato gurmadka degdegga” ayuu yiri Taabit Cabdi Maxamed
“Dadka somaaliyeed gaar ahaan dadka Muqdisho ku nool waxaan ka dalbanaya qof walbo in uu soo gaaro meeshan oo kaalin ka qaato, gurmad deg deg ah baa loo baahanyahay, wax alla waxaa itaal iyo agab heynay waa isugu keenay. Waxaan codsaneynaa Hay’addaha amnigana waa in dariiqa lagu dhibin, cid walba oo maanta haysata baale ama cagacagaf ama dab damis waa in ay meeshan soo gaaraan, qofkasto awood leh ama dhakhtar ah meeshan ha soo gaaro. GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR
Saraakiisha ammaanka iyo kuwa gurmadka ayaa sheegay in Qaraxa maanta iyo burburka ka dhashay uu ahaa kii ugu weynaa ee ay ku arkaan Muqdisho ayna ku adkaatay inay la tacaalaan xaaladda ka dhalatay.
Dadka dhintay ayaa la sheegay inay gaari karaan 30 halka dhaawaca ku dhow yahay 100 iyadoo weli dad badan la raadinayo, gurmadkuna weli socdo.