Saturday, June 28, 2025

Dad shacab ah oo lagu laayey Xaafad ka tirsan Muqdisho..[Faahfaahin + Magacyada]

Weerar aan hore loo arag ayaa caawa lagu qaaday Qoys degan xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir, iyadoo dad shacab ah lagu laayey guri ay deganaayeen.

Koox hubeysan ayaa maqribnimadii weerar ku qaaday qoyskan waxayna dileen 5 qof, iyadoo 6 kale ay ku dhaawacmeen weerarka oo aan weli la ogeyn sababta ka danbeysa iyo cidda geysatay.

Weerarka lagu qaaday Guri ku yaalla Xaafadda Suuqa Koowo Goodey ayaa waxaa dadka ku dhintay ka mida: Maxamed Cabdi Maxamed, Maxamed Saciid Muuse, Cabdi Xassan Ibraahim, Cismaan Xassan Siidow iyo Maxamed Cumar Axmed.

Wararkii ug danbeeyay aya sheegay inuu geeriyooday mid ka mida dadkii dhaawaca, iyadoo ay goobtaasi gaareen ciidamada amniga iyi maamulka degmada oo ay baarayaan falkan naxdinta leh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON