Saturday, July 12, 2025

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi F. Juxa oo Jawaab kulul u diray Wasiir Goodax

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha ahna siyaasi kasoo jeeda Puntalnd Cabdi Faarax Juxa si kulul ugu jawaabay Wasiirka Waxbarashada ee Faderaalka Goodax Barre oo maanta digniin kasoo saaray Puntland oo diiday inay qeyb ka noqoto imtixaanka mideysan ee dowladda Federaalka, lagana qaado Ardayga dugsiyada Sare.

Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland ayaa ku dooday in arrimaha waxbarashada ay maamulkeeda leeyihiin dowlad Goboleedyada, isagoo sheegay in federaalkana laga sameystay in arrimahaas oo kale aysan soo faragelin dowladda dhexe.

Wasiir Godaxow, Puntland waa (ka horeysay Federaalka) pre-federal state dhisan in kabadan 20 sano oo leh manhaj, imtixaan iyo siyaasad waxbarasho oo dhisan waqti dheer. Waa nidaam waxbarasho oo leh sharciyad iyo kalsooni shacab oo buuxda.
Waa nasiib darro inaad maanta ku goodido inaad burburiso nidaamkaas reer Puntland dhisteen. Tan kale waxbarashadu waa shaqo u gaar ah Dawlad-goboleedyada ee maaha wax quseeya Dawlad dhexe. Nidaamka Federalka waxaa loo samaystay inaan arrimahan oo kale mardame meelna marti looga noqon…” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

Cabi Faarax Juxa

Cabdi Faarax Juxa ayaa dhowaan u tartamay xilka madaxweynaha Puntland, isagoo aan hal codna ka helin doorashadii uu ku soo baxay madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa hadda isku haya arrimo dhowr ah oo quseeya federaalka iyo awoodaha dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON