Monday, June 23, 2025

Dadka ku dhintay Duufaantii Geeska Afrika oo gaaray in ka badan 30 Qof & Duufaan kale oo laga…

Duufaan halis ah oo wadata daadad iyo dabaylo xoogan oo ku dhufatay qeybo ka mid ah geeska Afrika ayaa sabbatay dhimasahada ugu yaraan 30 qof.

Warsaxaafadeed ka soo baxaySomaliland ayaa lagu sheegay in 31 qof ay ku dhinteen roobabka dabaylaha watay halka afar ruux la la’yahay halka ay jiraan. Waxaa jiraa khaasare badan oo isugu jira xoolo ku dhintay, beero iyo dhismayaal ay burburiyeen duufaanta. Waxaana la sheegay in khasaaraha uu sii kordhayo.

Qaramada Midooobay waxay sheegtay in ilaa iyo hadda aan la garanaynin baaxadda ay gaarsiisantahay khaasahara ka dhashay fataahadaha ka dhashay roobabka dabaylaha watay ee Somaliland sababtoo ah dhuufaanta waxay burubur u gaysatay waddooyinka iyo isgaarsiinta deegannadaasi.

Ad

Roobabka dabaylaha wata waxay sido kale ku dhufteen dalka Jabuuti halkaaso khaasare ay ka dhaliyeen. Barnaamijka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka ee UN-OCHA ayaa sheegay in 2 qof ay duufaanta ku dishay dalka Jabuuti halka illaa 30,000 qof ay guryahooda ka barakaceen kaddib markii ay daadadka ay saameeyeen.

Agaasimaha Hay’adda NRC, Nigel Tricks wuxuu sheegay in duufaantani ay tahay tii ugu xooganayd ee abid gobolka ku dhufata. Duufaanta Sagar ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhufatay Jabuuti, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somalilad iyo xeebaha dalka Yemen halkaaso ay khasaare nafeed ka dhalisay.

Dufaan cusub ayaa la saadaalinayaa isla dalalka Geeska Afrika ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyadoo mar doonta isla dariiqii Duufaantii hore.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON