In ka badan 6 qof ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho 24 saac ee ugu danbeeyay kadib falal khaarijin ah oo ka dhacay qeybo kala duwan oo magaalada caasimadda ah.
Dadka la dilay waxaa ka mida mid ka mida xildhibaannadii Baarlamaankii 9-aad oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi, kadib markii dabley hubeysan ku weerarreen gurigiisa, iyadoo dableydii falka geystay ay baxsadeen.
Waxaa kaloo magaalada Muqdisho lagu dilay saacadihii ugu danbeeyay weriye nin muuqaal-duube ahaa o u shaqaynayey mid ka mid ah telefiishannada cusub ee magaalada SBS, iyadoo lagu magacaabi jiray C/risaaq, kasoo uu toogtay askari ka tirsan ciidamada dowladda .
Dhinaca kale Laba askari oo minishiibiyo ah ayaa lagu dilay agagaarka isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho, halka isla shalay isgoyska Baar Ubax lagu dilay laba askari oo Mialteri ah oo watay Gaari yar oo nooca Carib ah, waxayna ku dhintene isla goobta iyadoo ay baxsadeen dabley bistoolado ku hubeysan oo falkaasi geystay.
Habeen hore ayaa sidoo kale waxaa Isgoyska Trebuunka ee degmada Hodon lagu dilay laba askari markii halkaasi ay shaqaaqo ka dhacay. Dhinaca kale haweeneyd ganacsade ah ayaa la sheegay inuu askari ka tirsan dowladda ku dilay duleedka Muqdisho.
Falalka khaarijinta ah ee Muqdisho ka dhacay ayaa sii kordhay maalmihii ugu danbeeyay. waxaan qaarkood sheegtay kooxda Alshabaab.