Sunday, July 13, 2025

Dagaal Beeleed Dad badan ku dhinteen oo ka socda Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug

Dagaal Beeleed qasaare badan dhaliyey ayaa ka socda degaanka Haraale ee Galbeedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo ka dhashay arrimo dhul iyo daaqsin ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 10 qof, Waxaana lagu dhaawacay in ka badan 10 ruux. Beelaha dagaalamaya ayaa kasoo jeeda Balanballe iyo Guriceel oo muddo dheer colaadoodu soo noqnoqotay.

Degaanka Haraale ayaa galay maalintii labaad, wuxuuna mar akle saaka dib u qarxay markii shalay ay labada dhinac is fara saareen oo qasaare badan is gaarsiiyeen..

Maamulka Galmudug ayaan weli wax tallaabo ah ka qaadin dagaalkan beeleed, waxayna wararku sheegayaan inuu socdo dadaal lagu doonayo in lagu dhex galo labada dhinac.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON