Dagaal beeleed dib u soo cusboonaaday ayaa ka qarxay degmada Caddale ee Shabeellaha dhexe, iyadoo maleeshiyada labada dhinac uu saaka dagaal culus ku dhex maray.
Dagaalka ayaa ka socda degaanka Burdheere ee degmada Cadalle, waxaana wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegayaan in dagaalku weli socdo, iyadoo ay jiraan asaare dhimasho iyo dhaawac leh iyo barakac dadka degaanka.
Wararakii ugu danbeeyay ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca labada maleeshiyo beeleed kala gaaray ay ka badan tahay 30 qof, waxaana bilowday dadaallo loogu jiro in lagu joojiyo colaaddaaasi.
Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa muddo dheer isku heysta dhul degaankaasi ku taalla, waxaana socon waayey heshiisyo labada dhinac ay marar badan wada gaareen, iyadoo dagaalka saaka uu bilowday markii ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ku sugnaa ay isaga baxeen.
Qaar ka mida xildhibaannada kasoo jeeda degaankaasi aya baaq u diray labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyo, waxayna ugu baaqeen waxgaradka labada beelood inay arrinta qaboojiyaan.