Wadooyinka Muqdisho oo loo waayey xal aan ahayn in la xiro [Dadweynaha oo maalintii 2aad lugeynaya- Sawirro]

Waxaa maalintii labaad xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo isu socodka Gaadiidka uu noqday gabaabsi, waxaana dhibaato weyn ka soo wajahday ardayda iyo dadweynaha kale.

Dowladda Federaalka iyo Ciidamadeeda oo u muuqda inay waayeen xal aan ka ahayn xiritaanka Wadooyinka caasimadda xilli waliba oo wafdi yimaado ama mas’uul baxayo oo lagu daro socdaalka gudaha ee madaxda ayaa amniga waxaa xilliyadasi suga kumnaan ciidamo ah oo lagu soo kordhiyo kuwii hore.

Waxaa Wadooyinka maraya dadweyne fara badan oo lugeynaya, waxaana gadiidka qaarkood ay maraan wadooyin qarda-jeex ah oo intooda badan u xirma gaadiidka badan ee isug yimaada.

Ad

Wadooyinka maalintii labaad xiran ee Muqdisho waxaa ka mida Isgoosyada Ex-kontorool Afgooye ilaa Isgoysya Banaadir iyo Zoobe, waxaa kaloo xiran iyo wadada ugu muhiimsan ee Waddada Maka Al-Mukarrama, iyadoo gebi ahaan isu socodka laga joojiyey wadooyinka dhinaca C/casiis iyo Kaaraan.

Ujeedada ay maalintii labaad u xiran yihiin wadooyinka ayaa lagu sheegay inuu Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo maanta uu khudbad u jeedin doono labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waa safar Garoonka ka duuli lahaa oo ay qasab ku noqotay inuu 6KM soo lugeeyo
Waa dadweyne ay ku jiraan kuwa baahiyaha gaarka ah qaba oo lugeynaya
Wadadda Maka Almukurama

Wadadda Maka Almukurama
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,260FansLike
744FollowersFollow
2,865FollowersFollow

XOGAHA QARSOON