Sunday, July 13, 2025

Dagaal Caawa ka dhacay Xaafad ka tirsan Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay…

Dagaal hubka culus iyo midka fudud la isku adeegsaday ayaa caawa ka dhacay xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir, iyadoo hadda qabowday rasaasta laba dhinac is weydaarsanayeen.

Wararka ayaa sheegaya inuu dagaalka u dhaxeeyo ciidamada dowladda oo howlgal waday iyo sarkaal degaankaasi degan halkaasi. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka waday oo. aan la aqoonsan ay weerar ku qaadeen Guri uu deganaa sarkaalka magaciisa lagu sheegay Bille Af-dheere, kaasoo degan Xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir.

Rasaas saacad ka badan socotay ayaa labada dhinac is-weydaarsadeen, iyadoo aan faahfaahin buuxda laga bixin dagaalkaasi iyo qasaaraha ka dhashay, laakiin dadka degaanka ee dagaalku qabsaday ayaa sheegay inay ka baxeen guryaha u dhow goobta lagu dagaalamay.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kadib markii Caawa maqribtii weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday Xerada Xalane, kaasoo ay sheegtay Alshabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalkii uu hadda istaagay iyadoo xaaladda ay hadda degan tahay, markii ay halkaasi gaareen ciidamo uu diray guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON