Monday, June 23, 2025

Dagaal Caawa ka socda degmada Balcad & Alshabaab oo gudaha u galay.. [Wararkii ugu danbeeyay]

Wararka laga helayo gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya inuu dagaal ka socdo gudaha degmada Balcad ee Muqdisho u jira 30 KM, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyada Alshabaab.

Dagaalka oo si lama filaan ah u qarxay goor dhoweyd ayaa wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu weli socdo, iyadoo la is weydaarsanayo hubka culus iyo midka fudud, waxaana xaalada kacsan ka jirtaa magaalada oo isku xirta caasimadda iyo xarunta maamulka Hirshabeelle ee Jowhar.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa dhowr jiho weerar uga soo qaaday degmada Balcad, waxaynaa wararku sheegayaan inay maleeshiyada Alshabab la wareegeen xaruntii degmada iyo saldhiga Booliska, iyadoo weli ay xaaladdu qasan tahay.

Ad

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin Buundada Balcad iyadoo dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayaan takbiirta dagaalamayaasha Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON