Thursday, December 8, 2022

Dagaal Ciidamada Degaanka iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka magaalada Beledweyne

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu dagaal culus saaka ka qarxay duleedka magaalada Beledweyne, kaasoo dhex maraya ciidamada degaanka iyo maleesiyada LAshbaab.
Dagaalkan ayaa ka socda degaanada Baareey iyo Dhoqor ee Koofurta Magaalada Beledweyne u jira ilaa 45 KM, wuxuuna yimid kadib markii ciidamada degaanka ay ka war heleen inay maleeshiyo ka tirsan Alshabaab kasoo gudbeen Webiga, kadibna ay weerar ku qaadeen.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada degaanka ay burburiyeen Doomo ay Alshabaab lahayd oo ay u adeegsan jireen inay uga gudbeen labada dhinac ee webiga Shabeelle. Sidoo kale waxaa dagaalka ka qeyb qaatay ciidamada dowladda.
Ciidamada degaanka ayaa la sheegay inay Alshabaab ka saareen degaanka Baarey, iyadoo dagaalku joogsaday, markii Alshabaab isga baxeen goobihii lagu dagaalamay.
Qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la soo sheegayaa inuu dhaliyay dagaalka saaka, iyadoo weli rasaas goosgoos ah ay socoto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!