Monday, July 14, 2025

Dagaal Culus oo ka socda duleedka magaalada Dhuusamareeb iyo Weerar ay qaadeen Ciidamada…

Dagaal ayaa ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kadib markii ay weerar qaadeen ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa dhex maraya Ciidamada Dowlada iyo koox maleeshiyo ah oo ka tirsan Alshabaab oo la sheegay inay soo gashay degaanada u dhaxeeya Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo dhinaca Koonfureed ka xiga Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dowladda oo isugu jira Gorgor iyo Milateiga qeybta 21-aad ayaa saakay howlgal wadajir ah ku qaaday maleeshiyada Alshabaab ee halkaasi tagtay, waxaana ka dhex bilowday dagaal culus agagaarka Tuullo-xaayow.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ciidamada Dowlada looga hortegayay kooxo Alshabaab ah oo ujeedkoodu ahaa inay weerarro kedis ah ku qaadaan magaalada Dhuusamareeb iyo agagaarkeeda, iyadoo markii laga war helay la beegsaday.

Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay inuu ka dhashay dagaalka, waxayna saraakiisha ciidamada sheegeen inay dagaalka ku dileen in ka badan 10 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab, ayna ka furteen ilaa 10 qori.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON