Waxaa rasaas iyo qaraxyo laga maqlayaa gudaha Hotelka Afirk ee magaalada Muqdisho oo ay galabta weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen Alshabaab, kadibna ay gudaha u galeen maleeshiyo hubeysan.
Ciidamada Booliska iyo kwua gaarka ah ayaa galay howlgalka ka dhex socda Hotelka oo laga soo badbaadiyey qaar ka mida dadkii ku jiray, waxaana socda howlgalka iyadoo qarax kale oo loo maleynayo is-miidaamin uu ka dhacay gudaha Hotelka Mid ka mida dableydii Hotelka gashay ayaa la sheegay inuu isa qarxiyey.
Qasaare xoog leh ayaa ka dhashay qaraxyadii hore iyo weerarka lagu galay hotelka, waxaana weli socda gurmadka dadka laga soo saarayo Hotelka oo weli rasaastu ka dhaceyso, iyadoo xilli habeennimo uu gashay caasimadda Muqdisho.
Ganacsato iyo saraakiil ku jiray Hotelka xilliga qaraxu dhacay ayaa la sheegay in laga soo badbaadiyey, waxaana ka mida Sarkaalka lagu magacaabo Labo Afle iyo Ganacsade Xuseen Goley oo ah milkiilaja Hotelka.
Alshabaab ayaa sheegay inay iyadu qaaday weerarka ka socda Hotelka Afrik, waxayna sheegtay in hotelka loo beegsaday isagoo ah goob ay isugu yimaadaan saraakiisha Dowladda.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
