Is-rasaaseyn xoog leh ayaa ka dhadcay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho ayaa dhalisay dhimashada saddex qof oo la sheegay inay kala ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo nin dabley ah.
Sida ay sheegeen dadka degaanka iska hor imaadka ayaa dhacay saaka aroortii, waxaana rasaas xoog leh la isku weydaarsaday Isgoyska Dabka ee wadadda Maka Almukarama oo ka mida isgoysyada ugu mashquulka badan caasimadda, waxaan goobta laga qaaday Meydka laba qof oo la geeyay xarunta CID-da.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dhex maray ciidamada Dhar-cadka NISA iyo dabley hubeysan oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan tahay. Wararka la helayo ayaa sheegaya inay goobta ku dhinteen laba askari oo Nabadsugidda dharcadka ah, kuwaasoo ilaalinayey Caamerooyinka Amniga, waxaana sidoo kale goobta ku dhintay nin ka mida dableydii weerarka soo qaaday, iyadoo mid kale uu dhaawacmay, waxaana goobta ka baxsaday nin kale oo dabley ah.
Meydadka goobta laga qaaday ayaa la sheegay inay ahaayeen ciidamada Hay’adda Nabadsugidda ee Dharcadka ah. Ciidamada ayaa in muddo ah xiray goobta, waxaana la joojiyey isu socodka gaadiidka iyo dadka, waxaan baaritaan goobta ka sameeyay xuvno ka socda hay’adda CID-da.
Ciidamada Amniga ayaa raadinayey ninka dableyda ah ee baxsaday waxaana la sheegay inay qabteen dhalinyaro laga shakiyey. Howlgalka ayaana in muddo ah ka socday goobta falku ka dhacay.
Waa howlgalkii ugu weynaa ee ay ku lug yeeshaan ciidamada Dharcad-ka NISA oo qasaare intaan la eg uu ka dhaco. Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay Hay’adaha iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
