Dagaal dhinaca warbaahinta ah oo dhex maraya dalalka Sacuudiga iyo Turkiga ayaa gaaray halkii ugu sareysay markii Turkiga uu jawaab ka bixiyey xayiraad uu Sacuudiga ku soo rogay warbaahinta Turkiga.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa toddobaadkii hore dalkiisa ka xayiray in laga akhristo warbaahinta Turkiga oo ay ugu weyn tahay Wakaalada Wararka Turkiga ee Anadolu iyo Warbaahinta Afka Carabiga lagu qoro ee Turkiga laga leeyahay, taasoo keentay in Turkigu ka jawaabo tallaabadaasi.
Turkiga ayaa dhinaciisa isna dalkiisa ka xayiray wargeyska dowladda Sacuudiga ee Okaz iyo Wakaalada Wararka Sacuudiga ee SPA, waxaa kaloo Turkiga uu xayiraad saaray warbaahinta uu Sacuudigu maalgeliyo sida qeybta Carabiga ee Wargeyska ‘Independent’, website-yada Telefishannada AlArabiya iyo Alekhbariya Tv, wuxu kaloo xayiray Sky News Arabia.
Xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga ayaa si weyn u xumaatay markii sirdoonka Sacuudiga ay Qunsuliyadda Istanbul ku dileen saxafigii caanka ahaa ee Jamal Kashoqgi, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Warbaahinta Sacuudiga dagaal joogto ah ku heysay dalka Turkiga oo raadinaya inuu maxkamadeeyo saraakiishii Sacuudiga ee loo heysto dilka weriyahaasi.