Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in dagaal duleedka magaalada ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa dhex maray ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo ciidamada uu Mareykanku tababaraay ee loo yaqaan Bancarft, waxaana dagaalku ka dhacay degaanka Xaanshooley oo u dhow garoonka Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo lasoo weriyey in laba askari ay ku dhinteen isla markaana dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Maamulka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaan weli wax war ah kasoo saarin iska hor imaadka dhex mara ciidamadan iyo sababta dhalisay.