Tuesday, July 1, 2025

Dagaal ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaalla Muqdisho (Dabley la dilay iyo qaar la qabtay)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal saldhigga Booliska Degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dhex maray askarta Booliska saldhigga iyo ciidamo kale.

Koox hubeysan oo la sheegay inay wateean Gaari ayaa weerar ku tegay Saldhiga degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana isku dhac dagaal uu dhex-maray ciidamada ku sugnaa Saldhiga, markii ay isku dayeen inay hubkooda gudaha la galaan.

Ciidamada weerarka ahaa ayaa la sheegay inuu watay Taliyaha NISA ee degaanka Daarusalam, kaasoo doonayey inuu la baxo rag ku xirnaa Saldhigga, balse dagaalki qabsadya xilli uu ku sugnaa saldhigga, sidaasina lagu qabtay, iyadoo lagu xiray xarunta CID-da.

Dagaalka ka dhacay saldhigga degmada Yaaqshiid ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo laba ka mida ay ahaayeen raggii weerarka ku qaaday iyo Askari ka tirsan Ciidamada Booliska. Sidoo kale ciidamada Booliska ayaa nolosha ku qabtayn laba ka mida raggii soo weeraray Saldhigga.

Weerarrada lagu qaadayo saldhigyada Booliska ayaa soo kordhay, kadib howlglalo ay ciidamada Booliska fuliyeen, taasoo caddeyn u ah in kooxaha amni darrada ka wada caasimada ayu u badan yihiin ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON